Laftagaree oo diyaarad u raacay magaalo go’doonsan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa diyaarad u raacay degmada Waajid oo kamida degmooyinka go'doonsan ee gobolka Bakool

Warar Keydmedia Online
Laftagaree oo diyaarad u raacay magaalo go’doonsan

WAAJID, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool isagoo diyaarad ku tagay magaaladaas oo kamida magaalooyinka ku jira go'doonka, oo kooxda Al-Shabaab ay go'doomin ku hayaan muddo dhowr sano ah.

Laftagareen ayaa Degmada Waajid kaga qeyb gali doona munaasabadda Caleema saarka maamulka cusub ee dhawaan halkaasi loo sameeyay, 

Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa go'doomin ku haysa degaanno badan kuwaasoo ay u diidaan in ay gaaraan waxyaabaha quutul daruuriga ah, waxayna inta badan degaannadaasi lagu geeyaa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bani-aadamka diyaarad, inkastoo ay jiraan ganacsato si dhuumaaleysi ah ku geeya waxyaabaha ay dadku u baahan yihiin.

Maamulka Koonfur galbeed saddexda gobol ee uu ka taliyo waxaa in badan oo kamida degmooyinka maamulkaasi hoos-taga go'doomiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana kamida xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Inkastoo ay ku sugan yihiin ciidamo Nabad ilaalin ah oo ka tirsan kuwa AMISOM haddana dadka ku nool magaaladaasi iyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM intaba waxaa raashiinka loogu geeyaa diyaarado iyo doonyo, sidoo kale dadka shacabka ah ee u safra magaalada Muqdisho waxay raacaan diyaarad, mana jiraan gawari dadweyne oo gala ama kasoo baxa magaalo xeebeedka Baraawe.

Madaxweynaha gacan-ku-rimiska ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa intii uu la wareegay maamulka Koonfur Galbeed waxa uu booqasho ku tagay magaalooyin aan la gaarsiin waxqabadka maamulka, taa baddalkeedana waxay madaxda maamulka KGS diyaarado u raacaan magaalooyinka aan safar dhulka ah lagu gali karin in diyaarad la raaco mooyee.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.