Laftagareen oo cafis u fidiyay maxaabiis Ciidda awgeed

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa cafiyay maxaabiis ku jirtay xabsiyada Baydhabo, farxadda munaasabdda ciidda awgeed.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen oo cafis u fidiyay maxaabiis Ciidda awgeed

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ ayaa cafis u fidiyey maxaabiis ku eedeysnaa danbiyo fudud, kuwaas oo ku jiray xabsiyada Koonfur Galbeed.

Cafiska loo fidiyay maxaabiistaan ayaa lagu sheegay munaasabadda maalmaha ciidda darteed, waxaana laga bilaabo maanta dib xorriyaddooda loo siiyay 10 nin oo ka mid ahaa dadka ku xiran xabsiyada Xarunta ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed.

“Fadliga munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed waxa aan cafis u fidiyey maxaabiis ku xirnaa Xabsiga Magaaladda Baydhabo.” ayuu yiri MW Laftagareen.

Maxaabiista maanta uu cafiska u fidiyey madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, ayaa kala ah:

  1. Maxamed Yuusuf Ibrahim
  2. Ibraahim Xuseen Maxamed
  3. Ismacil Cabdi Cali
  4. Cabdulahi Warsame Cali
  5. Shariif Cabdi Maxamed
  6. Maxamed Cabdi ljaabooy
  7. Cabdirashiid Cabdiqadir Cabdulahi
  8. Faysal Nuradin Yusuf
  9. Maxamed Yusuf Maxamed
  10. Xasan Maxamed Isaaq

Inta badan Madaxda Soomaalida ayaa munaasabadaha Islaamka iyo kuwa Qaranka marka la soo gaaro cafiya maxaabiista ku jirta xabsiyada ee aan danbiyada xooggan ku eedeysneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.