Maalintii saddexaad iyo Shahaado bixinta FEIT

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal, ayaa maalintii Saddexaad oo xiriir ah shahaadada rasmiga ah siinaya Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka.

News Keydmedia Online
Maalintii saddexaad iyo Shahaado bixinta FEIT

MUQDISHO, Soomaaliya – Shahaado bixinta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal [FEIT] ayaa gashay maalintii Saddexaad, taas oo soo billaabatay Sabtigii, isla-markaana socon doonta ilaa 14-ka bishaan April.

Labadii maalin ee la soo dhaafay 114 xildhibaan oo isku jira labada Gole ee Baarlamaanka ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo, waxaana maanta la filayaa in ku dhawaad 50 xubnood oo hor leh qaataan.

Inta badan Xildhibaannada laga soo doorto, Koofur Galbeed, ayaa ka maqan caasimadda, halka ay maalmahaan Muqdisho, soo gaari doonaan, inta ka dhiman Xildhibaannada ka soo kala baxay maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Guddiga Doorashooyinka, iyo Xog-hayeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa hore Xildhibaannada safarrada dibadda ah ku maqan, ugu baaqay in ay soo xaroodaan, si looga fogaado in daaha doorashadu sii socdo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo inta badan Xildhibaannada si buuxda u dhameys tiray ku biiritaankooda Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa dhankooda ku baaqay in Jadwalka la dhowro.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, ayaa xoogga saareysa in qaar ka mid ah xildhibaannada laga dhaadhiciyo in aysan qaadan shahaadada, si aan loo aadin doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka.

Kaliya 139 Xildhibaan ayaa loo baahan yahay, si loo doorto, Guddoonka Golaha Shacabka, sida uu dhigayo qodobka 65aad ee dastuurka, halka Guddoonka Aqalka sare, ay dooran karaan 28 Senator, sida uu qabo qodobka 73aad ee  dastuurka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.