Maalintii 5-aad iyo Shahaado bixinta FEIT

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, ayaa xoogga saareysa in qaar ka mid ah xildhibaannada laga dhaadhiciyo in aysan qaadan shahaadada, si aan loo aadin doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka.

News Keydmedia Online
Maalintii 5-aad iyo Shahaado bixinta FEIT

MUQDISHO, Soomaaliya – Shahaado bixinta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal [FEIT] ayaa gashay maalintii Shanaad, taas oo soo billaabatay Sabtigii, isla-markaana socon doonta ilaa 14-ka bishaan April.

Ilaa hadda in ka badan 160 Xildhibaan oo isku jira labada Gole ee Baarlamaanka ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo, waxaana maanta la filayaa in tiradu ku dhawaato 200 oo Xildhibaan.

Inta badan Xildhibaannada laga soo doorto, Koofur Galbeed, ayaa ka maqan caasimadda, halka ay Muqdisho, ku soo qulqulayan, inta ka dhiman Xildhibaannada ka soo kala baxay maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Guddiga Doorashooyinka, iyo Xog-hayeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa hore Xildhibaannada safarrada dibadda ah ku maqan, ugu baaqay in ay soo xaroodaan, si looga fogaado in daaha doorashadu sii socdo.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, ayaa xoogga saareysa in qaar ka mid ah xildhibaannada laga dhaadhiciyo in aysan qaadan shahaadada, si aan loo aadin doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka.

Lafta-gareen, oo ku daaban Farmaajo, ayaa doonaya in la fasaxo kursiga uu Fahad Yaasiin ka soo boobay Baladweyne iyo in la aqoonsado natiijada dooqashadii saddex kursi oo KG, ka yimid kuwaasoo ay hor istaageen Guddiga doorashooyinka heer Fderaal.

Guud ahaan doorashooyinka Baarlamaanka 11-aad ayaa mareysa meel gabagabo ah, waxaana baaqi ah 26 kursi, oo 16 ka mid ah taallo Gobolka Gedo, Saddex ka mid ah taallo baydhabo, halka todobo kale Maamulka Hirshabeelle ku dhiman yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.