Maamul cusub oo loo magacaabay gobalka Hiiraan

Muqdisho (KON) Maamul cusub ayaa loo magacaabay gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Maamul cusub oo loo magacaabay gobalka Hiiraan

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee gobalka loo magacaabay Cabdi Faarax Laqanyo kaasi oo badali doono gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta uu tagay magaalada Baladweyne wasiirka qayraadka dalka C/risaaq Maxamed iyo waliba Wafdi uu hogaaminayo.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray qorshe lagu doonayay in maamul cusub loogu magacaabo gobalkaasi Hiiraan, xili dowlada ay isbadal ku samaysay qaar ka mid ah maamulada gobalada dalka.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho