Daawo: Galmudug & Ahlu Sunna oo heshiiyay iyo Maamul sameysi oo la kala saxiixday

Gaalkacyo (KON) - Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo maalmahaan ku Shirayay Magaalada Gaalkacyo ayaa Heshiis Hordhac ah gaareen oo ay isku raaceen in la sameeyo Maamul goboleed ay ku mideysan yihiin oo ka howlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Daawo: Galmudug & Ahlu Sunna oo heshiiyay iyo Maamul sameysi oo la kala saxiixday

Kulankaan ayaa Magaalada Gaalkacyo lagu soo xiray waxaana kala saxiixday madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in deegaanada isku dhow leesku darsado Maamulka isla markaana laga wada shqeeyo horumarinta.

Dhawaan ayaa laga wada hadli doonaa sidii loo dhisi lahaa Maamul.


Dhageyso Khudbada Madaxweynaha Galmudug: Halkaan Guji


Gobalada Dhexe iyo Maamulada ka Jira

Gobaladaan ayaa haatan waxaa ka jira maamulo badan oo aanan lahayn wax xariir ah, ama wada shaqayn midana.

1.Gobalka Hiiraan

Qaybo ka mid ah waxaa ka arimiya Maamul hoostaga dowlada Soomaaliya, halka qayb kalana ay joogaan ciidamo ama dagaalyahano kale oo ka tirsan Al-Shabaab, labada dhinacna dagaal ayaa ka dhaxeeya.

2. Gobalka Galgaduud

Qaybo ka mid ah gobalkaan waxaa ka arimiya maamul Ahlu Suna, qayb kalana waxaa ka arimiya Al-Shabaab, Qaybo kalana waxaa ka jira maamulka Ximan iyo Xeeb, sadaxdaan maamulna ma jiraan wax xiriir ah oo ka dhaxeeya.

3. Gobalka Mudug

Qaybo ka mid ah gobalkaan waxaa ka taliya Maamulka Galmudug, qaybo kalana waxaa ka arimiya Maamulka Puntland, deegaanada qaarna waxaa isku heesta Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Markii loo eego Dastuurka Soomaaliya oo dhigaya labo gobal iyo wixii ka badan in ay noqon karaan Maamul gobaleed, dhamaana maamuladaan ma ahan kuwo sharci ku taagan mana jiro maamul heesta labo gabal iska daa wax ka sii badane.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo / Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.