Maamulka Galmudug oo dayacay degaanka Bacaadweyn

Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa indhaha ka xirtay dhibaatada la soo daristay shacabka ku dhaqan magaalada qadiimiga ah ee Bacaadweyn.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Galmudug oo dayacay degaanka Bacaadweyn

BACAAD-WEYN, Soomaaliya - Maamulka Galmudug, ayaa dayacay degaanka Bacaadweyn oo  dhaca waqooyiga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxuuna degaankaas gacanta u galay Kooxda Al-Shabaab billowgii bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

Dadka degaanka ayaa isku dhiibay Al-Shabaab, kadib markii ku dhawaad toban dagaal oo dhex maray shacabka iyo Al-Shabaab, uu ka dhashay khasaare xooggan oo gaaray bulshada degaanka.

Dhamaadkii sanadkii na weydaartay ayay Al-Shabaab culeys xooggan saareen degaanka, waxa ay diideen in la galo, waxayna cunaqabateyn ku soo rogeen, guud ahaan tuulooyinka ku xeeran, halka ay albaabada u laabeen ceelal ay xoolo dhaqatadu ka cabi jireen.

Labo bil kadib, markii ay si buuxda ula wareegeen degaanka, waxa ay ka fureen madaaris afkaartooda lagu baro caruurta, waxayna Bacaadweyn kaga dhawaaqeen maamul uu hoggaan u yahay nin lagu magaaabo Ubuu Xamsa, oo hore ugu magacaawnaa Amiirkooda Gobolka Mudug.

Qabaa’ilka degan degaanka, ayay la galeen heshiisyo lagu qasbay odayaasha, waxayna doonayaan in Bacaadweyn noqoto saldhiggooda ugu weyn ee Mudug.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Amniga, Axmed Macalin Fiqi, inta badan Golaha Sharci dajinta iyo Wasiirada Maamulka ayaa waqtigooda ugu badan ku qaata magaalada Muqdisho, waxaana dayacan guud ahaan Amniga degaannada Galmudug.

KEYMDEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.