Maamulka Lafta-gareen oo ku fashilmay amniga Koofur galbeed

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedka Koofur Galbed, ayaa iska indha tiray dhibaatooyinka ay Kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka ku dhaqan Gobollada Bay Bakool.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Lafta-gareen oo ku fashilmay amniga Koofur galbeed

DIINSOOR, Soomaaliya - Sida ay Keydmedia Online baahineysay dhowrkii maalmod ee la soo dhaafay, kooxda Al-Shabaab, ayaa kordhisay dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool ee dhaca koonfurta Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan degmada Diinsoor ayaa sheegay in ay maanta Al-Shabaab gudaha u soo galeen magaalada, kadib markii ay dhawr todobaad dhibaatooyin ka wadeen tuulooyinka hoos taga degmada.

Ilo xog ogaal ah, ayaa warinaya in ay qafaasheen shaqsiyaad magaalada caan ka ahaa, isla markaana ay jir-dil u gaysteen kuwo kale, ka hor inta aysan dib uga bixin magaalada.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya tuulada Yaaq-barawaay oo degmada Diinsoor u jirta qiyaastii 60 KM, ayaa sheegaya in ay ku gubeen gaadiid badeeco u waday Diinsoor oo ka mid ah degmooyinka go’doonsan oo kooxdu horay u diiday in la galo.

Sidoo kale, Saaxada Raxaalo,oo dhacda duleedka Diinsoor, ayay Al-Shabaab ku af-duubteen, koox dhalinyaro ah, oo tiradooda lagu sheegay ilaa afar.

Juquraafi ahaan Diinsoor waxay ku taalaa dhinaca Koofur Galbeed ee magaalada Baydhabo, waxayna qiyaastii u jirtaa 120-KM.

Sida gobolka Bay, dhibaato bani'aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jirta degaannada gobolka Bakool, Kooxda Al-Shabaab ayaana shacabka ku qasbaya in ay ka barakacaan tuulooyin ay in muddo ah ku noolaayeen, waxayna go’doomiyeen inta badan degmooyinka Goblka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.