Maamulka Waxbarashada Muqdisho oo Cumar Filish lagu wareejiyay

Munaasabad lagu qabtay Maanta magaaladda Muqdisho, oo uu kasoo qeybgalay sii-hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Mahadi Maxamed Guuleed ayaa Cumar Filish kula wareegay maamulka Waxbarashadda Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Waxbarashada Muqdisho oo Cumar Filish lagu wareejiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda xilka sii haysa C/llaahi Goodax Barre, ayaa ku wareejiyay Maamulka Waxbarashada Caasimadda duqa Muqdisho Cumar Filish kadib munaasabadda maanta ka dhacday magaaladda.

Ujeedada waxaa lagu sheegay in laga duulayo nidaamka Federaalaynta dalka iyo in gobolku qaato mas'uuliyadda waxbarashada, iyadoo Maamul kasta oo dalka ka jira loo madax bannaaneeyay nidaamka dhanka waxbarashada iyo qaadista Imtixaanaadka marka laga reebo midka midaysan ee shahaadiga ah.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa soo dhaweeyay in Maamulkiisa la wareegay Waxbarashadda Muqdisho, isagoo tilmaamay in qorshahan uu yahay mid mudo hal sano kasoo shaqeynayay, islamarkaana wasaaradda Waxbarashadda ay ugu dambeyntii fulisay.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.