Maamulka Degmada Balcad oo ka hadlay Qarax Shalay halkaasi ka dhacay

Balacad (Keydmedia Online) - Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey amniga degmadaasi xilli shalay uu ka dhacay Qarax miino.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Degmada Balcad oo ka hadlay Qarax Shalay halkaasi ka dhacay

Degmada Balacd shalay waxaa ka dhashay qarax khasaare dhaliyay kaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare soo gaaray Ciidamadii la weeraray.

Guddoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa waxa uu sheegay in amniga degmada Balcad uu yahay mid wanaagsan.

Qaraxiii shalay ka dhacay Balcad ayaa waxaa uu Maamulka Degmada Balcad uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Maleeshiyaad kooxda Shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho