Maamulka Degmada Wadajir oo ka qeyliyay Barakacayaal ku soo jabay

Muqdisho(KON)-In ka badan 500 oo Qoys oo Barakacayaal ah islamarkaana ka soo Cararay Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Labadii Maalin ee la soo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Degmada Wadajir oo ka qeyliyay Barakacayaal ku soo jabay

Gudoomiyaha Degmada Wadajir  Xasan C/qaadir ayaa sheegay in Degmadiisa ay ku soo jabeen Barakacayaashii ugu badnaa oo Degmada soo gaara,kuwaas oo ku soo biiray kuwii hore.

Xasan C/qaadir ayaa sheegay in Degmada ay horey ujoogeen Boqolaal Qoys oo Barakacayaal ah islamarkaana hada ay kuwo hor leh yimaadeen.

“Maamulka Degmada Awood Dhaqaalo umahayo Dadkaan danyartaa ee soo Barakacay,Maamulka Gobolka iyo Hay’addaha Gargaarka waxaan ka Codsaneynaa in Dadkaan la gargaaro”ayuu yiri Gudoomiyaha.

Degmada Wadajir ayaa lagu sheegaa Degmooyinka ugu Barakacayaasha badan Gobolka Banaadir,iyadoona ay ku yaalaan Xeryo waaweyn oo Barakacayaasha la dajiyay.

Waxaana Barakacayaashaan Maamulku uu ka qeylinayo ay yihiin kuwo ka soo Cararay Gobolka Shabellaha Hoose.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.