Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Abshir Diini ayaa sheegey in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqaalo ku bixiso sidii xaalado ammaan darro looga abuuri lahaa Maamulka Galmudug degaanada ay ka taliso isagoona intaa ku daray in dawladdu dhaqaale ku bixiso Hurinta Colaadda Magaalada Gaalkacyo
Wasiirka amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in dawladda Federaalka Soomaaliya ay Hubayso waa siduu hadalka u dhigaye Ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugan waqooyiga Gaalkacyo si ay dagaalo ugu qaadaan dhinaca kale ee Maamulka Galmudug.
Abshir Diini cawaale Wasiirka amniga ee maamulka Gal Mudug ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiso falalka ay ka waddo gudaha Magaalada gaalkacyo oo uu sheegey inay si weyn faraha ugula jirto.
Ma aha markii u horeeyay ee maamulkaasi eedo u soo jeediyo TFG-da Soomaaliya dhawaan ayaanay ahayd markii Maxadaxweynaha maamulka Gal Mudug Col Caalin uu si toos ah Eedeyn dusha uga tuuray madaxweyne Shariif isagoona ku eedeeyay Fara gelin uu ku hayo degaanada uu ka taliyo Maamulka Gal Mudug.
Hadalkan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli muddooyinkii u danbeeyay ay jireen dagaalo u dhaxeeyay labada Maamul ee ka kala arrimiya Koofurta iyo Waqooyiga gaalkacyo kuwaasoo dagaal beeleedyo iyo aar goosiba ay halkaa ka dhacayeen.
Add comment
Comments