Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane

Ugu yaraan saddex hoobiye ayaa ku dhacay gudaha xaruntan oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, UNSOM iyo Safaaradaha Beesha Caalamka.

Warar Keydmedia Online
Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar hoobiye ayaa lagu qaaday Maanta duhurkii Xarunta Xalane, oo ku taalla dhinaca Koonfureed ee Garoonak diyaaradaha Muqdisho.

Saddex hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha Xalane, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan khasaarooyin kala duwan, inkastoo wali tirada rasmiga ah la ogeyn.

Weerarka ayaa lagu soo beegay xili maalmaha soo socdan lagu wado in Afisyooni oo ku dhaw Xalane ka furmo shirka Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo arrimaha doorashadda looga hadli doono.

Ka dib weeraradii hoobiyeyaasha maanta ka dhacay Muqdisho qofna ma rumeysana in Muqdisho ay tahay goob nabdoon oo lagu qaban karo shir weyn oo looga hadlayo doorashooyinka.

Al-Shabaab haddii ay ka dambeyso waxaa muuqata inay la shaqeyso Villa Soomaaliya. Weerarka waxuu u umuuqda mid wakhti shir furmayo lagu soo beegay, oo la fuliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.