Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay in dalku bur buro

Waxaa mudooyinka dambe isa soo taraya baaqdyada loo jeedinayo Farmaajo ee ku aadan doorashadda, maadaama waqtiga uu soo dhamaanayo, wax dhaq-dhaqaaq ahna socon.

Warar Keydmedia Online
Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay in dalku bur buro

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Xasan, oo mar soo noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, gudoomiye Baarlamaanka iyo Wasiir Maaliyadeed ayaa kasoo muuqday shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabteen madaxda Madasha Xisbiyadda Qaran.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu ku sheegay in Farmaajo uu Soomaaliya ku wado waddo qarda-jeex ah, oo horey ka xiran islamarkaana aan laga ogolaan doonin inuu hal maalin ku darso muddo-xileedkiisa dastuuriga ah oo ku eg Febuary 8, 2021.

Shariif Xasan ayaa xusay in Farmaajo uu ku dhaqmayo sharci-darro, islamarkaana uu sameeyay wax aan horey dalka uga dhicin oo ah in Ra'iisul Wasaare la eryayo xafiiskiisana iska banaanaado, awooddana isaga isku koobo, taasoo ah dhaqanka kali-taliska.

"Wax loo dulqaadan karo maaha in Madaxweynuhu ku tunto Sharciga dalka, oo uu sameeyo ONE-MAN SHOW," ayuu yiri Shariif Xasan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynihii loo dhaariyay inuu sharciga ilaaliyo, uu isaga ku tumanayo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Shirka jaraa'id Mas'uuliyiin kale oo Xasan Sheekh iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble, oo sheegay in Farmaajo uu qaadayo mas'uuliyadda dhib walba oo dalka ka dhaca, waxayna hoosta ka xariiqeen inaysan jiri doonin qof awood lagu maquuniyo.

Waxay madaxdu tilmaameen inay dhisi doonaan dowlad kale, oo dhinac socota mida Farmaajo, iyagoo u sababeeyay ku tumashada sharciga iyo isku dhejinta awoodda, qabasho la'aanta doorashooyinka, oo usii dheertahay caburinta fekerka siyaasiyinta.

Qoraal ay Madasha soo saartey, oo nuqul kamida KON heshay ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo. [Halkan ka akhri warka]

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.