Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Wuxuu kusoo beegmayaa xili Farmaajo uu isku dayayo inuu fashiliyo wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Maamullada shanta ah ee Soomaaliya ayaa Caawa shir uga socdaa Airport hotel oo ku yaalla gudaha Xalane kaasoo ay degan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Farmaajo uu diray shirka ergo ka kooban Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-Gareen oo isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan Deni iyo Axmed Madoobe inay ku biiraan shirka Farmaajo uu wato ee ka socday maalmahan Afisyooni.
Waxaa jira warar sheegaya in Farmaajo uu diiday shir Beesha Caalamka ka qeybgali lahayd oo yeelan lahaayeen saakay madaxda Maamullada, taasoo banaanka soo dhigtay shirqoolka uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday u degan dalka, oo ah inaysan doorasho dhicin.
Fahad Yaasiin ayaa sameynaya dhinaca kale falal dhaawacaya kalsoonida madaxda wadahadalka u socda, gaar ahaan Axmed Madoobe oo maamulkiisa lagala soo wareegay C/rashiid Janan.
Beesha Caalamka ayaa shalay loo hanjabay, waxayna dowladda Wasiirkeeda Warfaafinta Cusmaan Dubbe sheegay in aysan diblomaasiyiinta ka ogolaanaynin faragelin arrimaha gudaha dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments