Madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo la dilay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Kumaandoota Danab ayaa sheegay in ay ku dileen howlgal qorsheysnaa madaxii qaraxyada kooxda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo la dilay

JANAALE, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Kumaandoosta Danab ayaa xaqiijiyay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab kaasoo ahaa muhiim aadna loo doon-doonayay, waxaa lagu sheegay inuu ahaa sarkaalka kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal aad u qaraar oo shalay galinkii dambe ka dhacay degaan lagu magacaabo Buulo-Xaaji oo ka tirsan Jannaale ayaa lagu dilay in kabadan toban ruux oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo uu ka mid yahay sarkaalkii ugu sarreeyay qaraxyada kooxda ee gobolka oo dhan uqaabilsanaa.

Ciidamada ayaa helay macluumaad la xiriira Sarkaalka iyo kooxdiisa kahor inta uusan weerarka dhicin, waxa ayna bartilmaameedsadeen goob fariisin u ahayd oo uu dagaalku ka dhacay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo aan la xiriirnay waxaa halkaa lagu dilay Ismaaciil Jiis oo ahaa madaxa qaraxyada kooxda Al-Shabaab iyo toban kale oo ka tirsan kooxda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.