Muxuu MW Xasan kala hadalay Luigi Di Maio?

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Axadii booqasho saacado kooban qaatay ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa Mmadaxweynaha 10-aad u xaqiijiyay in Dowladda Talyaaniga ay garab taagan tahay Maamulkiisa cusub, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qaranka.

News Keydmedia Online
Muxuu MW Xasan kala hadalay Luigi Di Maio?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labad dal iyo in la dardargeliyo qorshayaasha wax ka qabashada u baahan, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, [Xilli arday Soomaali ah wax ku bartaan Talyaaniya] iyo sare u qaadidda iskaashiga ciidamada [Tababarrada] iyo horumarinta adeegyo kale oo muhiim ah.

Socdaalka uu Luigi Di Maio ku yimid muqdisho, ayaa ka dhigan midkii ugu horreeyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ku yimaado  Soomaaliya 10-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna kulamo la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Talyaaniga ee ka tirsan Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) ee caasimadda ku sugan.

Talyaanigu waa dalkii ugu horreeyay oo ciidan iyo qalabba ka bixiya Howlgalkaas Tababarka, taasoo ay xilligaas u sababeeyeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Ciidammada Qalabka, ay la leeyihiin xiriir iskaashi iyo tababar ciidan oo soo jireen ah, waxaana dalka ku sugan Unug taageero Talyaani ah oo tababarro ciidan bixiya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalka, iyadoo sanadkii 2013 ay labada dowladood heshiis la xariira arrimaahs ku kala saxiixdeen magaalada Rome.

“Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa ku taal gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho [Aadan Cadde], gaar ahaan xarunta Xalane, halka ay sidoo kale xafiis ku leeyihiin dhismaha safaaradda Talyaaniga ee Kenya, Alberto Vecchi ayaana ah Safiirka Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Di Maio ayaa safarkiisa sii wadan doona si uu u gaaro Itoobiya iyo Kenya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, wuxuuna hore lugta u soo mariyay dalalka Angola, Jamhuuriyadda Congo iyo Mozambique, taasoo muujineysa sida Roma indhaha ugu heyso Afrika oo is-badello waaweyn ka socdaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.