Madaxii ugu sareeyay Apple Steve Jobs oo Geeriyooday

Minneapolis (Keydmedia.net) - Steve Jobs oo ahaa Madaxii ugu sareeyay Kambaniga caanka ah ee Apple ayaa Xalay u geeriyooday xanuun uu in mudaa ula dalaa dacayay.
Warar Keydmedia Online
Madaxii ugu sareeyay Apple Steve Jobs oo Geeriyooday

Steve Jobs oo ahaa maskaxdaii ka danbesay soo sarista alabo badan oo casriya oo hada dunida si ad ah looga isticmalo sida iPod, iPhone, iyo sidoo kale Apple Computers Badalaynah technologyada ayaa mudo dor bilod ka hor shaqada ka faristay kadib xauun ka kansarka oo uu ad ula ildarnaa darteed.

Dad wene fara badan oo aad uga tiranyeesan geerida Steve Jobs ayaa iskugu soo baxay xarunta Kampaniga Apple ku leeyahay New York halkas oo ay dhigayeen ubaxyo, halka qarkood oo ilmeenaya ay kor u sideen sumacyo iftimaya oo ay ugu baroor diiqayeen geerida Steve Jobs.

“Waxaa uu ahaa mid ka mida dadka ugu wax abuurka badan ee soo mara dunida ebad soo mara marka ad fiiriso wax yaabaha casriga ah ee uu mantay steve ku soo kor dhiyay dunida, waxaa dunida ka lumiyay qof qali ah oo ad u figrado badnaa" sidaa waaxa yiri President Barack Obama oo qoral saxafadeed koban ka bixiyay geerida Steve Jobs.

Ugu danbeentii Saxadada wadankan Mareekanka ayaa cawa aad u hadal heesay wax qabadka iyo hal abuunimada Steve Jobs & sida aay kampaniga Apple ka yeeli donaan booska uu ka baxay Steve Jobs.

C/shakur Gureey - Keydmedia - Xafiiska Minneapolis