Madaxtooyada Galmudug oo weerar ku qaadday Farmaajo

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu sabab u ahaa burburka waan-waantii lagu raadinayay xalka khilaafka ka dhex aloosan RW Rooble iyo Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Madaxtooyada Galmudug oo weerar ku qaadday Farmaajo

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Madaxtooyada Galmudug, aya weerar afka ah ku qaadday Madaxweynihii hore Farmaajo, kaas oo mudadii xilheyntiisii idlaatay 7 bilood iyo 16 maalin ka hor, waxaana lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa burburka waan-waantii ay garwadeynta ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

War lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, Cumar Shiddo, ayaa lagu sheegay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu muujiyay biseyl dhinac kasta ah, si guul looga gaaro wada-hadallada, hayeeshee, uu Farmaajo noqoday caqabdda hor taagan xalka, taas oo sababtay in wadahadalladu burburaan.

“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo RW Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan, halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wadahadalladii socday caawa ay istaagaan”. Ayuu boggiisa gaarka ah ee Facebook, saaka aroortii ku qoray Cumar Shiddo.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug, ayaa ku soo aadaya, xilli ay Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaamada Midoobay, labada daraf cadaadis ku saarayeen maalmihii la soo dhaafay in ay isku tanaasulaan, mana jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday Xaafiiska Farmaajo, kuna aaddan eedda loo jeediyay.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhowyahay Fahad Yaasiin, hayeeshee, warka ka soo baxay Madaxtooyada Maamulkiisa, ayaa muujinaya in uu ka quustay garabka uu Farmaajo hoggaamiyo ee kaliya xalka u arka in Muqdisho dagaallo ka dhacaan si loo laabo Kiiska Ikraan Tahliil.

Waxaa la filayaa in Qoorqoor iyo Mursal, war rasmi ah ka soo saaraan sababihii keenay in wadahadalladu burburaan, isla-markaana uu Mursal sii baritaaro, warka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.