Weerarkii Xabsiga Dhexe kadib, Deni oo gaaray Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo diyaarad qaas ah ka qaaday Garowe ayaa gaaray Magaalada Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Weerarkii Xabsiga Dhexe kadib, Deni oo gaaray Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dagay Magaalada Boosaaso kadib weerarkii xalay Kooxda Al-Shabaab ku qaaday xabsiga dhexe ee Puntland oo ku yaalla Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo ku labisan dharka ciidanka Puntland ayaa markii uu gaarey garoonka diyaaradaha Boosaaso, wuxuu durba kulamo la bilaabay maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka ammaanka gobolka Bari.

Xalay saqdii dhexe ayaa rag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga dhexe ee Puntland oo ku yaallada Magaalada Boosaaso, waxa ayna fasaxeen oo albaanada Xabsiga ka fureen qeybo ka mid ah maxaabiistii ku xirneyd saldhigga.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Kooxda Al-Shabaab ay xabsiga kala baxeen ku dhawaad 400 oo Maxaabiis. 

Maxaaabiista ay Al-Shabaaab Xabsiga ka sii daayeen waxaa qeyb ka aha, kuwo ku xukunna dil toogasho ah, ku dhawaad shan ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka dhaawucu intaa ka badan yahay.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PSF ayaa waxa ay dagaal saaka kula galeen buuraleeyda ku hareeraysan Boosaaso malayshiyaad la rumaysan yahay inay ahaayeen kuwii xalay weerarka ku soo qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.