Guddiga soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la magacaabay

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, kuwaasoo ka kooban 11 xubnood. 

Warar Keydmedia Online
Guddiga soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waare ayaa sheegay in soo xulista guddigaan uu kala tashaday ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe, waxaa uuna guddigaan cusub faray in ay soo diyaariyaan hannaanka soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Guddigaan ka kooban 11 xubnood ayaa dhamaantood ka soo wada jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe, marka laga reebo labo xubnood, waxaana sidoo kale ku jirin wax dumar, taasoo muujineyso doorka Haweenka in meesha laga saaray.

Durbaba waxaa soo baxaya qeylo dhaan ku aadan arintaan, iyo sida loo qeybiyay xubnaha guddigaan oo la sheegayo in aan loo marin hanaanka Soomaalida wax ku qeybsato ee 4.5 iyo qoondada haweenka.

Halkaan ka akhriso magacyada guddiga

1- Cusmaan Maxamed Mukhtar - guddoomiyaha guddiga.
2- Saciid Hagar Camalow - guddoomiye ku xigeenka guddiga.
3- Maxamed Macalin Xasan Kulmiye. guddoomiye ku xigeenka guddiga.
4- Cabddirisaaq Cumar Bood - xoghaya guddiga.
5- Siyaad Maxamed Xasan - Afhayeenka
6- Cabdishakuur Ibraahim Cabdiraxmaan - xubin.
7- Cabdiraxmaan Maxamed Muumin - xubin.
8- Cabdirisaaq Ibraahim Axmed - xubin
9- Axmed Maxamed Cabdullaahi - xubin
10- Cabduqaadir Nuur Cujub - xubin.
11- Raage Cumar Cusmaan (Xuute) - xubin.

Hirshabeelle ayaa ahaa maamulkii ugu dambeeyay ee la dhisay sanadkii 2016, waxaana soo maray labo madaxweyne oo kala ah Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare oo haatan xilka haya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.