Madaxweyne Shariif: Dowlada ha joojiso cunista qaadka

Muqdisho(Keydmedia) Madaxweynaha dowladda KMG ah Soomaaliya shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay dhamaan xubnaha ka tirsan dowladda in ay joojiyaan cunista qaadka xili lagu eedeeyo mas’uuliyiinta dowlada ay waqti badan galiyaan cunista qaadka intii ay ka fakari lahaayeen danaha bulshada.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Shariif: Dowlada ha joojiso cunista qaadka

Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay shalay munaasabad lagu xusayay 67-guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Booliska ayaa badanka qudbadiisa ku faaqiday dhibaatada qaadka iyo sida loogu baahanyahay in dhamaan dowladda ay joojiso isticmaalka qaadka isla markaana loo baahanyahay booliska in ay bilaaban hirgalinta talaabadaasi.

Inkastoo madaxweynaha uu ka hadlay dhibaatada qaadka iyo hamiga dolwada ee dagaalada la xiriira ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in mas’uuliyiinta dowlada intii ay ka hadli lahaayeen danaha bulshada ay waqti ku bixiyaan isticmaalka muqaadaraadka iyo waliba Sheekooyinka aanay danta bulshada ku jirin.

www.keydmedia.net