Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa uu kula kulmay xabsiga dhexe qeyba ka mid ah saraakiisha xabsiga isagoona kala sheekeestay xaalada maxaabiista halkaasi ku xiran iyo sida ay kala yihiin, waxaana intaasi kadib uu madaxweynaha lugta soo mariyay isbitaalka Ciidamada Milatariga Martiini oo qeyb ka mid ah dayactir lagu sameeyay halka qeybta kalana ay deganyihiin ciidamadii Naafada xooga Dalka ee ku waxyeelowday dagaalkii 1977 dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay Ciidamada Naafada isagoona wada hadal kooban la yeeshay afhayeenka naafada Cali Mahad oo uga warbixiyay xaalada Naafada iyo dhibaatooyinka ay qabaan.
Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho xiligan waxaa ku xiran maxaabiis aad u badan kuwaas oo aan la horkeenin wax maxkamad ah isla markaana ku eedeysan danbiyo kale duwan.
Sanadkii hore ayey aheyd markii Madaxweyne shariif uu cafis u fidiyay maxaabiis tira badan oo ku xirneed xabsigaas kuwaa oo qaarkooda halkaasi ku xirnaa 7- bilood in ka badan iyadoo aan maxkamad la horgeyn.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments