Madaxweyne Shariif oo muqdisho ka anbabaxay

Wafadi uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ka anbabaxay garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Shariif oo muqdisho ka anbabaxay

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u socdaalay Dalka Itoobiya oo ay uga qeyb galayaan Shirka Madaxda AFrika oo Dalkaasi Itoobiya lagu wado inuu ka furmo.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Todobaadkii hore Dagaal ka bilowday Magaalada Muqdisho uu jiida hore ee Dagaalka uga jiray Shariif Shiikh Axmed kaa oo ilaa iyo hada riiqdiisi la dareemayo.

Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo xiligii la magacaabay waxa ay madaxdeeda ku mashquulsanaayeen safaro is daba joog ah iyadoona aanay jirin talaaba qaad rasmi ah oo ay gudaha Dalka ka qabteen.

www.keydmedia.net