Madaxweyne Xasan Sh. “Mustaqbalka Dalka wuxuu ku jiraa Gacanta Ardayda”

Muqdisho (KON) - Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad Qalin jebin ah, halkaasna ka jeediyay Qudbad dhiiri gelisay Shacabka ku sugnaa goobtaas.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan Sh. “Mustaqbalka Dalka wuxuu ku jiraa Gacanta Ardayda”

Qudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri "Anigu Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey ka go’antahay in ay taageerto Waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa kula hadlayay ku dhawaad 1000 Arday oo ka qalin jebinaysay Jaamacadda SIMAD waxa uu yiri "Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso Jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomaali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arrimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka  ah.”

"Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan Aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen Dagaal. Ummada Soomaaliya waxey idinka sugeysaa in ay ku nacfiyan Aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud waxoo u tahniyadeeyay Ardaydii qalinjabineysay iyo Ehelkooda.

Keydmedia Online // Warsaxaafadeed