Madixii Al-Shabaab u qaabilsanaa Beledxaawo oo la dhaawacay

Dagaalka oo ka dhacay tuulo hoos tagto degmada Beledxaawo ayaa lagu dhaawacay guddoomiyihii degmadaas ugu magacownaa Al-Shabaab Axmed Cabdulle. 

Warar Keydmedia Online
Madixii Al-Shabaab u qaabilsanaa Beledxaawo oo la dhaawacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii Al-Shabaab ugu magacownaa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Axmed Cabdulle ayaa dhaawac daran ka soo gaaray dagaal maalinimadii shalay aheyd ka dhacay tuulo hoos tagto degmada Beledxaawo ee Gedo. 

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kale dagaalka lagu dilay sarkaal ka tirsan Alshabaab, kaas oo aan weli magaciisa la helin.

"Dagaalka manta ka dhacay duleedka Balad-Xaawo waxaa Al-Shabab uga dhawacmay Guddomiyaha degmada Balad-Xaawo ugu magacownaa Al-Shabab Axmed Cadule oo dhawiciisa uu yahay mid daran, dhanka kale Sarkaal sare oo dhanka Amniga Al-Shabab u qabilsnaa ayaa ku geeriyoday gobta wali ma helin magaciisa." ayuu yiri goob jooge la hadlay Keydmedia Online.

Maamulka degmada Beledxaawo iyo kan gobolka Gedo labadaba weli Kama hadlin dagaalkii xoogganaa ee shalay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray tuulo hoos tagto degmada Beledxaawo.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa mararka qaar dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah la galo Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan dhul buuro ah oo ku yaallo Koonfurta Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 November 2020 19:41

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.