Mahad Salaad ‘Heshiis kasto oo la gaaro dhanka Farmaajo kama fuli doono’

Mahad Salaad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in heshiis kasto oo maanta lagu gaaro shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada aanu ka fuli doonin dhanka Farmaajo. 

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad ‘Heshiis kasto oo la gaaro dhanka Farmaajo kama fuli doono’

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis kasto oo la gaaro uusan dhanka Madaxweyne Farmaajo ka fuli doonin, isagoona u sababeeyay in Farmaajo aysan qorshaha ugu jirin in dalka doorasho ka dhacdo.

Taa bedelkeeda Mahad Salaad ayaa sheegay in shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada lagu daro qodob ah halka ay ka bilaabaneyso kuna dhamaaneyso doorashada, si looga fogaado iska daba-wareega Farmaajo uu wado, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo! Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan”, ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Shirka wada-tashiga Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee ka soconaya Muqdisho ayaa maalintiisa Afaraad galay, waxaana xusid mudan in ilaa iyo hadda uusan muuqan is bedel raali gelin kara shacbka Soomaaliyeed ee indhaha kuwada hayo hoggaamiyaasha is hor-fadhiya.

Shirkaan ayaa noqon doono mid kama dambeys ah oo go'aan wada ogol ah looga gaari doono nooca doorasho ee dalka 2020/21.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.