Mahdi Guuleed oo ka baxay heshiis Cabdi Xaashi uu la gaaray

Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa lagu eedeeyay in uu ka laabtay heshiis ay wada gaareen isaga iyo guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS Mudane Cabdi Xaashi. 

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuleed oo ka baxay heshiis Cabdi Xaashi uu la gaaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa si cad uga laabtay heshiis ay wada gaareen isaga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi taasoo qeyb ka ahayd xal ka gaarista muranka doorashooyinka.

Mahdi Guuleed ayaa dhinaciisa iska fogeeyay heshiiska, waraaqdana ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Xildhibaan Xuseen Ciise oo kamid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo jeeda gobollada Waqooyi islamarkaana ahaa goobjoog ayaa ku eedeeyay in Mahdi Guuleed uu markii shanaad ka baxayo heshiis ay wada gaareen dhinacyada is haya ee kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Soonaaliya.

Waxa uuna ku eedeeyay in arrintani tahay isbaaro ka socota Villa Somalia isagoo ula jeeda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa warqadda boggiisa Facebook saaray kadib markii Mahdi Guuleed uu boggiisa Twitter ku beeniyay. 

Keydmedia Online oo la xariirtay Xafiiska Mahdi Guuleed ayaan wali jawaab helin. 

Heshiiska labada dhinac ay gaareen ayaa sidan uqornaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.