Malaaq Cadow Yoonis lagu dilay Baydhabo

Baydhabo (Keydmedia) - Nin ka mid ahaa Malaaqyada si fiican looga yaqaano Degaanada Bay iyo Bakool oo lagu Magacaabo Cadow Yoonis ayaa Xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Baydhabo.
Warar Keydmedia Online
Malaaq Cadow Yoonis lagu dilay Baydhabo

Sida ay wararku sheegayaan dilka ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Baydhabo waxaana ragi dilay u baxsadeen dhanka xaafada Bardaale oo ka mid ah meelaha ugu qaska badan xiligaan magaalada Baydhabo.

Dilkaan ayaa imaanaya xilli sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Baydhabo, Gen. John uu sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa amaankeeda haatan gacanta  ku haya ciimada Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya, waxaa kale oo jooga ciidamo ka socda AMISOM oo hor dhac ah, hase yeeshee kuwaasi wali magaalada laguma wareejin.

Keydmedia.net - Xafiska Baladweyne




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.