Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu laayay Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Kismaayo (Keydmedia) - Saraakiisha Ciidamada Dowladda TFG-da ee gobbolada Jubbooyinka ayaa sheegtay in Dagaal saacado badan socday oo ka dahcay gobbolka Jubbada Hoose ay ku dileen tiro Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda nabad diidka ah ee Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu laayay Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Ismaaciil Saxardiid oo ah taliyaha Ciidamada TFG-da ee gobbolada Jubbooyinka ayaa sheegay in 4 k atirsan Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Deegaanka Taabto ee gobbolka Jubbada Hoose halkaasoo uu sargaalku sheegay in Maleeshiyaadka ay iyagu weerarka ku soo qaadeen.

"Afar dhimatay oo ka tirsan Maleeshiyaadka xalay weerarka soo qaaday ayaan hadda meydadkooda heynaa, mid kale oo dhaawac halis ahna waan qabanay,marka xalay way ku fashilmeen weerarka ay soo qaadeen."ayuu yiri Ismaaciil Saxardiid.

Sikastaba weerarka ay xalay Maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen Deegaanka Taabto ayaa waxaa ay uga danlahaayeen sidii ay ugu aari lahaayeen weerar ay Diyaaradaha dagaalka shalay galab ay ku qaadeen horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Keydmedia.net -Xafiiska Kismaayo