Kooxda Shabaab oo Madaafiic Khasaare Geysatay Xalay Ku Weeraray Afmadow

Afmadow (KON)- Sida ay soo sheegayaan wararka naga soo gaara degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose Maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay madaafiic khasaare geysatay ku weeraray degmadaasi.
Warar Keydmedia Online
Kooxda Shabaab oo Madaafiic Khasaare Geysatay Xalay Ku Weeraray Afmadow

Madaafiicda oo kasoo dhaceysay duleedka degmada Afmadow ayaa waxaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay shan qof oo kamid ah dadka deegaanka, mana jiro khasaare dhimasho oo ka dhashay duqeynta.

C/xakiin Cumar Xaaji Gudoomiyaha degmada Afmadow ayaa KON u sheegay in madaafiicdaan ay soo tuureen Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab kuwaasoo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan duleedka magaalada Afmadow.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka wada duleedka magaalada Afmadow waxaana ay baadi goob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho