Man united oo qabatay hogaanka horyaalka

Sports(keydmedia) Naadiga kubadda Cagta ee Man united ayaa ka fara maroorsatay hogaanka horyaalka naadiga Arsenal kadib markii ciyaar xalay dhacday ay Man ugu awood sheegtaya Arsenal 1-0.
Warar Keydmedia Online
Man united oo qabatay hogaanka horyaalka

Guusha United ayaa timid kadib markii ciyaaryahanka lagu magacaabo Park Ji-sung uu dhaliyay goolkiisii 6-aad ee xili ciyaareedkan, waxaana iminka ay United ku hogaamineysaa horyaalka 34-dhibcood iyadoona aan marna dhinaceed dhulka la dhigin tan iyo bilowgii horyaalka.

Arsenal oo aan in badan ka hooseyn ayaa ku jirta kaalinta 2-aad waxaana ay leedahay 32 dhibcood.

Labada naadi ayaa waxaa u kala ciyaara ciyaaryahano miisaan leh waxaana dhanka taageerada ay u muuqdaan xiliyada qaar kuwa isu dhigma oo aan la kala dooran Karin.

Www.keydmedia.net