Mareykanka oo askar u tababarey Koonfur Galbeed

Lafta-Gareen ayaa ka qeybgalay munaasabada qalin-jebinta Ciidamada cusub, oo loogu tala-galay inay ka howlgalaan Wanlaweyn.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo askar u tababarey Koonfur Galbeed

BALEDDOOGLE, Soomaaliya - Boqolaal askari oo ah kuwii ugu horeeyay ah ayaa Maanta loo soo xiray tababar militeri oo ay ku qaateen saldhiga Mareykanka ee Baleddoogle, Sh/Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ka qeybgalay munaasabada tababarka loogu soo xiray askarta maamulkiisa, waxaana siiyay tababarka AFRICOM.

Lafta-gareen ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in askartiisa loogu tababarey Baleddoogle, oo ay kasoo baxaan Ciidanka ugu tayada badan kuwa dowladda oo ah Danab.

Wuxuu xusay in askarta tababaray dhameysatay ay ka howlgali doonaan degmada Wanlaweyn, oo ah meesha uu saldhiga lagu tababarey ku yaalla, iyagoo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanka tababari siiyo Ciidamo maamulka Koonfur Galbeed leeyahay, waxaana tani kusoo beegmaysaa xili Ameerikaanka kusoo noqonayaan dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.