Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Hogaamiyeyaashan ayaa lagu eedeeyay weerarkii ka dhacay Kenya bishii January ee sanadkan 2020, kaasoo lagu dilay saddex Mareykan ah.
WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagaxisadda ku dartay labo hogaamiye oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasoo mas'uul ka ahaa weerarkii lagu qaadey saldhigga diyaaradaha Drones-ka kasoo duulaan ee ku yaalla Manda Bay, Kenya.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Maalin Ayman, oo ah madaxa garabka Jaysh Ayman, ee u qaabilsan Al-Shabaab weerarada Kenya iyo C/llaahi Cismaan ay ku dareen Liiska Argagaxisadda Caalamiga, islamarkaana ay baadi goobayaan.
Ninka labaad, C/llaahi wuxuu maamulaa qeybta qaraxyada iyo warbaahinta Al-Shabaab.
Labada hogaamiye ayaa qorsheeyay weerarkii Xerada Camp Simba ee Lamu oo dhaca Xeebta Waqooyi ee Kenya, halkaasoo lagu dilay seddex isagu jira hal askari iyo labo qandaraasle u dhashay Mareykanka, sidoo kalena lagu burburiyey dhowr diyaaradood.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in la xayiray lacagta labada hogaamiye u taalla Mareykanka, sidoo kalena demi laga dhigay in la caawiyo, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay inay kala shaqeynayaan Kenya iyo Soomaaliya ciribtirka Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa 2008 ku daray Al-Shabaab liiska argagaxisadda Caalamiga, waxana madaxa hogaamiyeyaal dhowr ah la dul-dhigay lacago Malaayin dollar ah oo loo balan qaaday in la siinayo cidii soo gudbisa macluumaad horseedaya dilkooda ama qabashadooda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments