Mareykanka oo war ka soo saaray booqashada Nuland

Madaxweynaha Soomalaiya iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal.

News Keydmedia Online
Mareykanka oo war ka soo saaray booqashada Nuland

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay, booqashadii Muqdisho ee Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland, ay shalay ku timid caasimadda Soomaaliya.

Victoria Nuland oo hoggaamineysay wafti uu qayb ka ahaa safiirka dalkaas Larry Andre, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in maamulka Joe Biden uu Soomaaliya la garab taagan yahay taageero dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-habeynta qorshayaasha siyaasadeed ee dowladda cusub.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka soo hor jeeda dowladnimada.

Sidoo kale, Victoria Nuland iyo waftigeedu waxa ay kulan la qaateen Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana kulankaas looga hadlay dardar-galinta gurmadka abaaraha.

Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Larry Andre, madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

Warka ka soo baxay Mareykanaka waxaa lagu sheegay in Victoria xustay in Maraykanku qorshaynayo in si degdeg ah loo siiyo Soomaaliya cuntada loo baahan yahay, [taageerista] dedaallada lagaga hortegayo macaluusha, iyo gargaar kale oo bini’aadanimo. "Victoria Nuland: Ukraine has “biological research facilities"  islamarkaasna ah Masuulka ugu sameynta badan Siyaada Mareykanka ee hogaaminteeda lagu hafro Mr. Joe Biden.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada, isaga oo tilmaamay in dowladdiisu xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Booqoshada Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Victoria Nuland, waxaa ka horreeyay oo isna todobaadkaan caasimadda yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Luigi Di Maio, kaasoo kulan la qaaday MW Xasan Sh. Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.