Mareykanka oo Cunnaqabateynaya Saraakiil Eriteriyaan ah oo Xiriir la leh Kooxda Shabaab

Nairobi (Keydmedia) - Mareykanka ayaa sheegay in ay Cunnaqabateyn ku soo rogayaan Lix Qof oo ku jiraan Saraakiil laguna eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo Cunnaqabateynaya Saraakiil Eriteriyaan ah oo Xiriir la leh Kooxda Shabaab

Lixdan Qof oo u dhashay waddamo kale duwan oo Afrikan ah ayaa waxaa ku jira 2 Sarkaal oo ka tirsan dowladda Eritrea oo loo haysto in ay gacan siiyaan maleeshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Saddex ka mid ah dadkaas waxay haystaan dhalashada dalka Kenya, midna dhalashada Sudan halka labo ka mid ah ay heystaan dhalashada waddanka Eretria, waxaana lagu kala magacaabaa, Cabdiracoof Maxamed, Suheyl Saalim, Cabdi Cabdiraxmaan, Abuukar Shariif, Cumar Cawad iyo Aboud Rogo Maxamed.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayay ku sheegtay in dadkan ay saareyso cunnaqabateyn dhanka ganacsiga ah iyo xannibaad dhaqaale.

Faahfaahin Fillo Dhawaan

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.