Mas’uul ka tirsan Hey’adda Zamzam foundation oo la xiray

Waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha Suuqa Bakaaraha laga kaxeeyay mas'uul ka tirsan Hey'adda Zamzam foundation.
Warar Keydmedia Online
Mas’uul ka tirsan Hey’adda Zamzam foundation oo la xiray

Ninkan oo ay xireen kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ayaa lagu magacaaba C/rashiid Xaaji Max'ed ayaa waxaa looga yeeray goob la sheegay in ay maxkamad tahay oo ku taala gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoona xili danbe loo dhaadhiciyay degmada Dayniile isla markaana lagu xiray.

Kadib mudo 10-saacadood ah markii uu xirnaa ayaa waxaa dib loo siiyay xuriyadiisa iyadoona aan loo sheegin wax sabab ah oo loo heestay iyo waxyaabaha lagu qoonsaday.

Hey'adda uu ka tirsanaa C/rashiid ayaa waxaa ay tahay mid inta badan ka shaqeysa arimaha samafalka sida waxbarashada, caafimaadka iyo Biyaha inkastoo qaab howleedkeeda ay dadka qaar dhaliilaan isla markaana la sheego in aanu aheyn sidii loo baahnaa.

www.keydmedia.netd