Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay G/Baay

Guddoomiyii deegaanka Goof-guduud iyo taliyihii booliska deegaankaas ayaa ku geeriyooday Qarax lagu xiray ruux mayd kadib dagaalkii saaka Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhex maray gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay G/Baay

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil ay ka mid yihiin guddoomiyihii iyo taliyihii booliska deegaanka Goof-guduud Buurey ee gobolka Baay ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen Qarax ka dhacay isla deegaanka oo qiyaastii 30KM dhinaca bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Isxaaq Cali iyo taliyihii booliska Xasan Isxaaq Xasan ayaa ku geeriyooday qaraxa oo lagu xiray ruux mayd ah kadib dagaalkii saaka ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka.

“Weerar ay saaka argagixisadu ku qaaday Deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay, waxaa ku dhintay 5 xubnood oo kala ah: Masuuliyiin, Ciidanka iyo dadka deegaanka, weerarka ayaa ku bilowday gaari lagu soo raray walxaha Qarxa oo lagu weeraray Xarunta Degaanka, waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira (2-Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane)” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Intaas kadib, ayey argagixisadu isticmaaleen dhagar, iyagoo Meyd ku soo xiray qarax, waxaana goobta ku baxay Guddoomiyihii Degaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska oo iyaguna ku naf wsayay qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa” ayaa lagu sidoo kale qoraalka ka soo baxay taliska Booliska

Dagaalka oo saaka ahaa mid xooggan ayaa yimid kadib markii dagaalam-yaal ka tirsan Al-Shabaab baabuur qaraxyo lagu soo raray ku weerareen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka, waxaana weerarka kadib xigay dagaal fool ka fool ah.

Dhinaca war lagu qoray wakaaladda SONNA ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab dagaalka looga dilay 10 dagaalame, islamarkaana looga dhaawacay tiro intaa ka badan.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.