Maxaa dhacaya haddii shirka Dhuusamareeb Baaqdo?

Shirka ayaa ku beegan maalinta berito ah, haseyeeshee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa walaac ka muujinaya dib u dhaca shirka.

Warar Keydmedia Online
Maxaa dhacaya haddii shirka Dhuusamareeb Baaqdo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isi soo tarayo Walaaca laga muujinaya dib u dhaca shirka wejiga saddexaad ee Dhuusamareeb oo lagu madalsanyahay 15 bishan oo ku beegan maalinimada Sabtida, haseyeeshee aysan muuqaan wax diyaar garow ah.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga Farsamada ee ka baaraandeggidda tallooyinka, hanaanka & habsami usocodka doorashooyinka dalka, isagoona ku bogaadiyay howsha fiican ay hayaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale walaac ka muujiyay fashilka ku imaan kara shirka, isagoona sheegay in haddii shirkaas baaqdo ay ka dhalan karto rajo xumo, iyo kala tag horseeda in la soo fara geliyo.

"Aad iyo aad ayaan ugu rajo qabnaa, ugu baaqeynaa, unu dhiira gelineynaa in uu qabsoomo shirka Dhuusamareeb, shirkaas hadii uu dhici waayo nasiib-darro, rajo xumo iyo calool xumo ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay ayay noqoneysaa, in sheekada naga kala baahdaa ka dhalan doonto, in meel aanan fileyn talada tagtaa ka dhalan doonto, in nala soo fara geliyaa ka dhalan doonto, in dad aan taladooda ku filneyn u muuqanno nalaku calaamadeeyaa ka dhalan doonto."ayuu yiri Madaxweyne Waare

Sidoo kale madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan si loo qaban lahaa shirkaas, islamarkaana looga soo qeyb gelin lahaa dhinacyada maqan, si loo bad baadiyo rajada Ummadda Soomaaliyeed oo indhaha kuwada heyso shirkan.

Ugu dambeyntii wax ka yar 48 saacadood ayaa ka harsan muddadii lagu ballamay shirkaan, balse waxaana jirin waxa diyaar garow ah oo arintaan ku aaddan oo haatan la dareemayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.