Maxaa ka dhalan kara Muddo kordhinta?

Kadib afar sano oo Farmaajo iyo kooxdiisu dalka ku wadeen waddo aan la hubin halka ay tagi doonto ayaa maanta lagu dhawaaqay meel marinta qaraar u ogolaanaya in ay dalka sii hoggaamiyaan muddu labo sano ah, taas oo abuuri karta xaalad siyaasadeed oo aan la saadaali karin.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka dhalan kara Muddo kordhinta?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa maanta yeelatay waji kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaana meel mariyay baaq lagu laalay heshiiskii doorashada ee September 2020, lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya.

Meel marinta qaraar, wuxuu meesha ka saarayaa Guddigii doorashada dadban ee uu dhamaadkii sanadkii hore magacaabay sii-hayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble, wuxuuna dib usoo celinayaa Gudiga Doorashada Madaxa Bannaan, ee ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaciil ‘Yarey’.

Qaraarkan, maanta la ansixiay, oo ka yimid Madaxtoyada ayaa ha’adaha muddadu ka dhamaatay ee Sharci dajinta iyo Fulinta u ogolaanaya in ay sii shaqeeyaan muddo labo sano ah, taas oo la micno ah in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu Golaha Shacabku u ogolaaday inuu ku sii fadhio kursiga.

Hadaba Maxaa ka dhalan kara xil kororsigaan?

Madaxweymaha Waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, oo dhowr jeer si ula kac uga istaagay shirar looga dooday xal u helidda hannaanka doorashooyinka dalka ayaa muddo kordhintaan ka dhigan doona garab iyo gaashaan, si uu u diido wada hadallo kale oo dhawaan uu la yeesho Madaxda kale ee Soomaaliya.

Waxaa fashilmi kara wada hadallada ay Madaxweynayaasha Maamulladu u joogaan Muqdisho iyo shrarka Wakiillada beesha Caalamku soo qaban qaabiyeen, waxaana suura gal ah in qeyb ka mid ah Madaxda Maamulladu ku laabtaan degaannada ay yimaadeen.

Beesha Caalamka oo hore u sheegtay in aysan aqbali doonin, muddo kordhin, Doorasho cid gooni ah u xiran iyo kuwo is barbar socda ayaa la rajeynayaa in ay si adag uga hadlaan muddo kororsiga ay Madaxtooyadu u martay Baarlamaanka.

Golaha Midowga Murashixiinta oo wixii ay muddo dheer ka digayeen ay ugu danbeyn maanta dhaceen ayaa la filayaa in ay sameeyaan talaabo, ay jawaab uga dhigayaan arrinkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].