Maxaa ka soo bixi kara shirka RW Rooble iyo Mucaaradka?

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan kula qaadanaya hotel-ka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madax kale.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka soo bixi kara shirka RW Rooble iyo Mucaaradka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhow shir uga bilowday Hotelka Decale Ra'iisul Wasaare Rooble Rogane, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabelle Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

RW Rooble ayaa Shirkaan ku casuumay Golaha Mucaaradka waxuuna daba socdaa Is-afgaradkii ay Xukuumadda iyo Musharixiintu kala saxiixdeen Todobaadkii hore.

Inkasta oo war kooban oo ka soo baxay xaafiiska Rooble lagu sheegay in shrka looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 25-kii bishii  Febaraayo, hadana Keydmedia Online  waxa ay fahansan tahay in arrimo kale oo muhiim ah la isla soo hadal qaadi doono.

1 Raalli galinta Kheyre;

Shirka waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo xurguf hoose Rooble kala dhaxeysay ku seegay kulankii hore, waxaana la saadaalinayaa in Rooble uu Kheyre ka raalli galin doono codsi uu horey uga diiday oo ahaa inuu ku wareejo xilka RW, xafladdii uu xaafiiska kula wareegayay Rooble, taas oo xil wareejinteeda loo dhiibay RW ku xigeynka.

2 Ku dhawaaqidda Shir-wadatashi;

Rooble oo u muuqda inuu gartay doorkiisa ayaa la filayaa inuu isugu yeero, shir-wadatashi ah Madaxda Maamul-goboleedyada, si loo saxiixo qodabadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb.

3 Jawaab laga sugayay Rooble;

Midowga Musharixiinta ayaa kulankii Khamiista Rooble ka dalbaday in la siiyo xubno matala oo ka qeyb gala shirka wadatashiga taas oo Rooble sheegay in uu kula laabanayo Farmajo, waana jawaab ay maanta sugayaan in la siiyo Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.