Maxaa lagu xalliyay khilaafkii gobolka Gedo?

Xal rasmi ah ayaa laga gaaray murankii adkaa ee ka jiray gobolka Gedo, waxaana la iyiday inta badan qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Maxaa lagu xalliyay khilaafkii gobolka Gedo?

MUQDISHO, Somaaliya - Mid ka mid ah arrimaha ugu adkaa ee Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay in uu xalliyo ayaa ahaa khilaafkii arrinta gobolka Gedo, kaas oo ugu dambeyn maanta la saxiixay heshiis laga gaaray murankii jiray.

Inta badan arrimaha gobolka Gedo ayaa loo daayay soo jeedintii guddigii ku shiray magaalada Baydhabo, waxaana lagu kordhiyay qodobbo aan badnay.

Golaha wadatashiga qaranka, ayaa go’aamiyay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu gar-wadeyn ka noqdo, Amniga iyo dib u heshiisiinta Jubbaland si ay habsami ugu dhacdo doorashada gobolka Gedo.

Waxaa lagu heshiiyay dhisidda guddi dib u heshsiisiin oo ka kooban maamullada dalka oo aysan ku jirin Jubbaland, si waafaqsan soo jeedintii hore ee guddigii Farsamada ee ku shiray magaaladda Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021.

Guddigaas ayaa soo jeedin doona min labo xubnood, oo qabanaya jagada Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeynka degmada Garbahaarey iyagoo la tashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dowladda jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha maamulka degmada Garbahaaray ee ay soo gudbiyaan guddiga dib u heshiisiinta.

Guddiga dib u heshiisiinta ee la magacaabi doono saddex maalin gudahood, waxaa laga rabaa in ay xalka arrinta goblka Gedo ku soo gabagabeeyaan muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka billabaneysa marka la magacaabo.

Amniga doorashooyinka Jubbaland gaar ahaan Garbahaarey waxaa sugi doona booliska AMISOM, guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka degmada ayaana ka diyaarin doona qorshaha sugidda amniga tartamayaasha iyo ergada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.