Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo Mucaaradka?

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyniyaasha Galmudud iyo HirShabeelle Qoor Qoor iyo Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo Mucaaradka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulan kula qaatey Muqdisho Musharixiinta Mucaaradka iyo Madaxda HirShabeelle iyo Glamudug.

Rooble ayaa kala hadlay Madaxda uu la kulmay kala hadlay sidoo looga wada shaqeyn lahaa amniga Caasimadda iyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho waafaqsan heshiiskii 17-kii Sep ee 2020.

Waxuu Rooble ka dalbaday Musharixiinta inay ka fogaadaan wax walba oo dib u dhac u ah dalka iyo amniga, islamarkaana ay Xukuumadiisa ku kalsoonaadaan inay qabato doorasho wadar ogol ah oo ku dhacda waqti dhaw.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Rooble uu soo saarey go'aan ah in dalka doorasho ka dhacayso, islamarkaana waxba kama jiraan ka dhigay mudo-korarsiga Farmaajo ee labada sano, waxaana muuqata inuu khilaaf ka dhex jiro madaxda Villa Somalia.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu sabtida hortago Baarlamaanka, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo tallaabo ka dhan ah Rooble, maadaama hadda uu caqabad ku noqday muddo-korarsigiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa uga digay Xildhibaannada muddo-korarsiga u sameeyay Farmaajo inay markale ansixiyaan qaraar dalka u keeni kara dagaal sokeeye, isagoo sheegay in wax walba laga filan karo xubnaha Villa Somalia taageersan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].