Maxaa u sabab ah inay Soomaalida diido Tallaalka COVID-19?

Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu eedeeyay inay diiday dadka inay la wadaagto xog dhab ah oo ku saabsan tallaalka Coronavirus-ka. 

Warar Keydmedia Online
Maxaa u sabab ah inay Soomaalida diido Tallaalka COVID-19?

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Tallaal ayaa Soomaaliya la keenay horaantii Sanadkan, kuwaasoo kala ah Oxford AstraZeneca [300 000 doses], oo yimid bishii Maarso iyo midka lagu sameeyay China, Sinopharm [200,000 doses] oo soo gaarey dalka bishii April 2021.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu wareejiyay, si ay shacabka dhamaan gobollada dalka u gaarsiiyo, laguna bxiiyo si lacag la'aan ah, maadaama deeq uu yahay oo dowladda China iyo WHO ugu deeqeen Soomaaliya.

Waxaa loo diray dhamaan shanta Maamul Goboleed iyo Somaliland, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa in 20% Shacabka Soomaaliyeed oo 15 milyan lagu qiyaaso la tallaalo, iyadoo si gaar ah loo siinayo dadka da'da ah, shaqaalaha safka hore ee la dagaalanka Covid-19 ku jira iyo kuwa u nugul, ee qaba xanuunada halista ah.

Nasiib darro ololaha ma guuleysan, oo waxaa aqbalay tallaal dad aad u yar oo lagu qiyaasay 1%, waxaana loo sababeynayaa in Wasaaradda Caafimaadka ka gaabisay wacyi-gelinta bulshadda kahor inta uusan billaaban tallaalka, oo dadka u baahan in la fahamsiiyo waxtarkiisa.

Dhibaatada kale ee dhacday ayaa ah in Wasaaradda ay diiday inay Warbaahinta la wadaago xogta tallaalka si bulshada u gaarsiiyaan macluumaadka ay u baahan yihiin, waxaan laga dhigay mid sir ah, taasoo keentay in dad badan ay diidaan, oo bukaanno badana u dhintaan Covid-19.

Shaqaale badan oo Wasaaradda katirsan iyo mas'uuliyiin ayaa xasbiga la dhigay kadib markii ay musuq-maasuqeen agabkii loogu deeqay dowladda ee lagula dagaalami lahaa cudurka, sida Face-mask [Af-xirka], sariiro iyo daawooyin kale, oo Suuq madow lagu iibiyay.

Xogtii ugu dambeysay ee Wasaaradda soo saartay June 4, waxay sheegtay in tirada guud dadka u dhintay Covid-19 Soomaaliya inay gaarayaan 775, waa tiro laga diiwaangeliyay Isbitaallada dowladda maamusho iyo kuwa ay xiriirka la leedahay.

Waxaa jira dad badan oo Maalin walba u dhintay xanuunka, oo iyagoo la baarin la aaso, waana khatar kale oo qarsoon maadaama qofka qaba ee aan xarunta caafimaadka la geynin inuu qaadsiiyo reerkiisa iyo kuwa soo booqda ama marka uu dhinto meydkiisa aasa.

Maxaa ku dhacay Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dabooli waysay baahida daawo iyo mida qalab, ee Martiini, oo ah halka Isbitaal ee la dhigo dadka uu soo rito Covid-19, waxaan inta lagu shaqeynayay ay ka yimaadeen ganacsato iyo dad is-xilqaamay oo deeqo gaarsiiyay iyo dhaqaatiir si mutadawacnimo u shaqeynaya.

Waxaan la ogeyn halka ay ku baxdo miisaaniyadd Wasaaradda la siiyo ee loogu tala-galay la dagaalanka Covid-19, waxaana sii ibaxay in lacagta dano gaar ah loo isticmaalay iyadoo taasi loo xiray dhowr sarkaal.

Macluumaad KON heshay waxay muujinaysaa inay jirtay Miisaaniyadda dheeri ah oo gaaraysa $ 30.9M oo loo qoondeeyay Wasaaradda Caafimaadka, taasoo $ 4.7M kamid ah la lunsaday, loona qoray hay’adihii bixiyay lacagta inay ku baxday khidmadaha la talinta, qalab xafiiseed, cilad-bixinta gaadiid iyo safarada.

Covid-19 markii dhinaca kale laga eego dad badan buu mashruuc u noqday, oo ka sameynaya dhaqaale fara badan, waxaana Xukuumadda Khayre ku maqan $5 million oo ka timid WHO iyo deeq bixiyaasha.

Su’aalaha aan wali laga jawaabin ayaa ah, hadii Isbitaalka Martiini Oxygen-ta dadka lagu xiro saacadii laga qaado $30, islamarkaana aan lahayn sariiro badan oo dadka la seexiyo, halkee lagu bixiyaa dhaqaalaha dowladda ugu deeqaan hay’adaha caalamiga iyo ganacsatada.?

Baahida ugu wayn ee lagu badbaadin karo dadka waa Oxygen ku filay in loo helo Isbitaallada, la xiro duulimaadka iyo goobaha waxbarashadda, islamarkaana la xidido isku imaatinka bulshadda, laguna dhaqmo talooyinka dhaqaatiirta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 October 2021 11:41

Ikraan uguma horeyso ugumna danbeyso dadka ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waxaa jira Saraakiil kale oo badan oo NISA ka tirsanaa, kuwaas oo illaa hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay.