Maxaa Xalay ka dhacay Baydhabo?

Baydhabo (KON) - Dagaal Xooggan ayaa Xalay dhexmaray Ciidamda Dowlada ee Gobolka Bay iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab Xaafadda Cunaaye ee Magaalada Baydhabo.
Warar Keydmedia Online
Maxaa Xalay ka dhacay Baydhabo?

Dagaalkaan ayaa dhacay kadib markii Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Fariisiin ay Ciidamda Boolisku ku leeyihiin Xaafadda Cunaaye ee Magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo la isku adeegsaday qoryaha kala duwan ayaa dadka Xaafaddaasi ku dhaqan waxa ay sheegeen inuu jiro khasaare soo kala gaaray labadii dhinac ee Dagaalku u dhaxeeyay.

Wararka Keydmedia Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Ugu yaraan 8 ka tirsan Kooxda Shabaab lagu dilay Dagaalkaasi.

Ciidamada Milateriga ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u soo gurmaday goobtii shabaabku soo weeraray oo gudaha magaalada baydhabo ah kuwaasoo ay u suurta gashay in ay dib u riixaan al Shabaabka ee Dagaalka ku soo qaaday gudaha Magaalada baydhabo.

Dagaalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalinimadii shalay bartamaha Magaalada baydhabo lagu weerary Kolonyo Ciidamada itoobiyaanka ah  oo halkaa marayay halkaasoo looga dilay Hal Askeri oo Ciidankaas ka tirsanaa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho