Maxaan ka ognahay warbixinta uu soo wado Fahad Yaasiin?

Ujeedka qodobkaan, waa in la isku dhifto, qabiillada Soomaaliyeed ee Gaaljecel iyo Abgaal, si loo marin-habaabiyo kiiska, isla-markaana hor-geynta sharciga looga badbaadiyo taliskii hore ee NISA, si aan cadaalad loogu helin Ikraan.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka ognahay warbixinta uu soo wado Fahad Yaasiin?

MUQDISHO, Soomaaliya – Xogo hoose, oo ay heyshay Keydmedia Online, ayaa xaqiijineysa in Kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, ay dajiyeen qorshe ay kaga dabaalanayaan eedaha ka dhashay af-duubka iyo dilka Ikraan Tahliil Warsame, oo gacanta Nabad-sugidda ku maqann tan iyo 26-kii bishii Juun ee sanadkaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa eedeysane, Agaasimihii hore ee NISA, ku amray in uu bixiyo faah-faahin dheeraad ah oo lagu qanci karo, kadib markii hay’adda Nabad-sugiddu baahisay in Kooxda Al-Shabaab, dileen Ikraan.

Tallaabadaas oo wadne-qabad ku noqotay, Fahad Yaasiin iyo guud ahaan kooxda uu indhaha u yahay ee Farmaajo ku jiro, ayaa sababtay in Amiirka Argagixisada Xasaanadda leh, (FAHAD) uu sheego in xogta kiiska oo faah-faahsan uu la wadaagayo waxa loogu yeero “Golaha Amniga” oo ah koox isku xiran oo Farmaajo dhoodoobay, kuwaas oo aan wax kulan ah yeellan in ka badan labo sano.

Go’aankaas uu qaatay, wariyihii hore ee Al-Jasiira, waxa ay soo dedejisay dalabkii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in xilka laga raacdeeyo, dilaaga aan nixin, isla-markaana laga xayuubiyo xilka uu hayo si loola xisaabtamo, waxaana ugu danbeyn shaqada ka buriyay Ra’iisul Wasaaraha dalka, halka xaafiiskiisa lagu furay baaritaanka kiiska Ikraan.

Tan iyo xilligaas, Kooxda F&F, hor-kacayan, waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u koreen, sidii ay kaga hortagi lahaayeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee cadaaladda loogu raadinayo Ikraan, si ay uga badbaadaan gacmaha sharciga, Farmaajo ayaana 18-ka bishaan isugu yeeray Golaha Amniga si uu Fahad Yaasiin ula wadaago xogta kiiskaan.

Hadaba, waa maxay qorshaha ay dajiyeen hoggaankii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si ay isaga riixaan dilka Ikraan Tahliil?

Fahad Yaasiin, wuxuu Ikraan Tahliil, ku eedeeyn doonaa in ay ku lug lahayd qarixii lagu khaariyiyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), isla-markaana ay aano qabiil iyo ka aarsi u dileen shaqsiyaad ku heyb ah AUN duqii Muqdisho, kuwaas baxsaday kadib falka khaarijinta Ikraan.

Fahad, wuxuu hoosta ka xariiqo doonaa in Ikraan wada-shaqeyn ay howlaha ugu fududeyso kala dhaxeysay Kooxda Al-Shabaab isla-markaana ay ahayd labo shaarre, si guud khatar ugu ahayd laamaha amniga.

Dilka Ikraan, waxuu dusha laga saari doonaa, shaqsiyaad ku heyb ah, AUN, Eng: Yariisow, (ABGAAL) si culeyska looga dul qaado beesha Fahad Yaasiin (REER OW-XASAN) oo dhallinyaro ka soo jeedda lagu af-duubtay Baledweyne, kadib markii lagu dhaqaawaqay geerida Ikraan.

Ujeedka qodobkaan, waa in la isku dhifto, qabiillada Soomaaliyeed ee Gaaljecel iyo Abgaal, si loo marin-habaabiyo kiiska, isla-markaana hor-geynta sharciga looga badbaadiyo taliskii hore ee NISA, si aan cadaalad loogu helin Ikraan.

KEYDMEDIA ONLINE   

Commenting is not available in this channel entry.