Maxay Dowladda Fadaraalka u diidday Ergeyga Midowga Africa?

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa diidday Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u soo magacabeen Soomaaliya John Mahama.

Warar Keydmedia Online
Maxay Dowladda Fadaraalka u diidday Ergeyga Midowga Africa?

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, waraaq ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu diiday magacaabistii Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama, oo loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, kaas oo James Swan, kala shaqeynaya xal u helidda khilaafaadka doorashooyinka.

Waraaqda ka soo baxaday xaafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaaliya Maxamed Cabdirisaaq, waxaa lagu sheegay in hoggaamiyihii hore ee dalka Ghana uu xiriir qoto dheer la leeyahay Madaxda Kenya, sidaas daraaddeed aan shaqadiisa looga baahneyn Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq. wuxuu layaab ku tilmaamay in John Mahama, oo xiriir dhow la leh hoggaanka Kenya ay doortaan Midowga Afrika, waxaa waraaqda aad uga dhex muuqa cabsida in Ergaygu uusan dhexdhexaad ahayn, waxayna wasaaraddu ku rafatay shaqo aan wakiilka quseyn oo ah xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Waraaqdaan oo soo baxaday 9-kii bishaan, hayeeshee la faafiyay maalin ka hor, waxaa kale oo ku xusan in aan hadda loo baahneyn Wakiil cusub, maadaamada Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, uu wado dadaallo isku soo dhawaansho lagu abuurayo.

Golaha Midowa Musharixiinta iyo qaar ka mid ah Maamullada dalka ka jira ayaa hore u soo dhaweeyay magacaabidda John Mahama, halka Qaramada Midowday ay sheegatay in ay taageereyso qorshaha Midowga Africa.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat, ayaa Sabtigii, Madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ku dhawaaqay inuu noqonayo Wakiilka Sare ee Soomaaliya u gaabilsan Midowga Afrika.

Dadka u dhuun duleela Xaafiiska Farmaajo ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu diidan yahay in ay taariikhda u gasho Dowladdiisa, Wakiil Afrika ka socda oo garwadeen ka ah arrimaha doorashooyinka dalka xilligiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.