Maxay ka wada hadleen Swan iyo Xoghayaha Difaaca Kenya?

Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab kadib weerarro iyo afduubyo isdaba joog ah oo ka dhacay dhulkeeda.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada hadleen Swan iyo Xoghayaha Difaaca Kenya?

NAIROBI, Kenya - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha Difaaca Kenya Monica Juma Isniintii.

Diblumaasiga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaalioya iyo Juma ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad ilaalinta muddo ka badan 10 sano.

Xoghayaha Difaaca Kenya ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka in Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan qaababka loo xoojin karo iskaashiga amni ee gobolka.

James Swan ayaa dhawaan booqday qaar ka mid ah wadamada carabta ugu saameynta badan oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraatka carabta isagoo raadinaya in laga taageero Soomaaliya dhinacyada ammaanka iyo doorashooyinka.

Booqashada Swan ee Nairobi ayaa ku soo aaday xilli xiisaddii diblomaasiyadeed ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya dhowaan lagu xalliyay dhex dhexaadintii Qatar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.