Maxay ka tiri Beesha Caalamka khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

Beesha Caalamka ayaa war saxaafaded wadajir ka soo saaray khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo wiiqi kara xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn kara geeddi-socodka doorashada.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka tiri Beesha Caalamka khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

MUQDISHO, Soomaaliya- Hal sanno ayaa ka soo wareegatay magacaabistii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale heshiiskii doorashada, taas oo aan ku socon habkii loogu talo galay, maadaama ay hareeyeen khilaaf siyaasadeed oo guntoodu tahay in Farmaajo iyo kooxdiisu si sharci darro ah kusii joogaan aqalka dalka looga arrimiyo.

Beesha Caalamka ayaa war saxaafaded wadajir ka soo saaray khilaafka hareeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxayna tilmaameen inay ka walaacsan yihiin khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale la gelin”.ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Farmaajo oo muddo xileedkiisu idlaaday ayaa raadinaya sababo uu uga baaqsan karo dalka in uu doorasho rasmi ah aado, waxaana dhinaca kooxda Farmaajo ka yimaada hadallo iyo ficillo lid ku ah habsami u socodka doorashooyinka gaabiska ku socda.

Dad badan waxay ula muuqataa in Farmaajo uu noqon karo madaxweynihii shacabku soo dhaweeyay si iskood ah, hadana xukunka uga taga isaga oo la karaahsanaayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.