Maxay ku waabariisatay Xaaladda Guriceel?

Magaaladda ayaa faaruq ah oo ay ka qaxeen dadkii deganaa, iyadoo Ciidamo badan ay kala joogaan labada dhinac ee Galbeedka iyo Bariga.

Warar Keydmedia Online
Maxay ku waabariisatay Xaaladda Guriceel?

GURICEEL, Soomaaliya - Xaaladda magaaladda Guriceel, ee gobolka Galgaduud ayaa saakay degan, inkastoo xiisad ay jirto, oo la maqlay xabado teel teel ah oo meelaha qaar ka dhacaya, waxaana qeybta bari ee Jaamacada ku sugan wali Ahlu Sunna.

Ciidamada dowladda waxay helayaan gurmad uga imaanaya Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu Sunna ay wajahayso culeys military oo Villa Somalia saartay kadib markii askarta sida gaarka ah Turkiga u tababaray ee Gorgor la geeyay Guriceel, oo dagaalka ku biiray.

Ma jirto waan-qaan laga dhex-wado dhinacyada, oo colaadda lagu joojinayo, waxaana waqti kasta la filan karaa dagaalka inuu dib u qarxo, sida ay sheegayaan dadka fara ku tiriska ee ku harey magaaladda, oo maalintii 3aad ku jirta xaalad dagaal.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa loogu baaqay shalay inuu isa soo dhiibo, balse ay diideen Sheekh Cali Shaakir iyo Maclin Maxamuud, oo ka doortay is-dhiiista dagaal inay magaaladda uga saaraan Ciidamada kusoo duulay. Khasaaro badan ayaa ka dhashay colaadda sokeeye ee Galmudug.

In ka badan 30 qof ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay dagaalka Guriceel, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 100, oo qaar dhaawacyadooda la geeyay Gaalkacyo.

Farmaajo ayaa dagaalka Al-Shabaab Ciidankii loogu tala-galay u adeegsanaya colaadaha sokeeye, isagoo afartii sano ee uu Madaxweynaha ahaa dumiyay maamulada Federaalka, sidoo kalena mucaaradka iyo war baahinta madaxa-banaan ku caburiyay Muqdisho.

Qoor-Qoor oo u adeega danaha Villa Somalia ayaa ku fashilmay balan-qaadkii doorashadda kuso galay ee ahaa inuu mideynayo Galmudug, islamarkaana uu hal-dhig ka dhigtay reer Galmudug waxay qoriga ku bedesheen yaambada.

KEYDMEDIA ONINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.